Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Dhinacyada mucaaradka hubaysan ee Puntland oo u midoobaya madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695800013040.jpg?resize=720%2C48

Jilib-culusta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa isu diyaarinaya, in ay bisha October shir weyne ku yeeshaan magaalada Garoowe.

Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore ee Puntland ayaa la filayaa in ay Garoowe soo galaan ka hor 10 bisha October.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirka lagu midaynayo dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubaysan, si looga hortago in uu mudda kororsi samaysto Siciid Deni.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku eedaynaya madaxweyne Deni in uu barnaamijka qof iyo cod ku dhex qarinayo damac mudda kororsi, inkastoo isagu hore u sheegay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Waxaase sii xoogaysanaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod.

Puntland ayaa xilligan wajahaysa hubanti la’aan iyo khilaaf siyaasadeed oo gudaha ka aloosan, kaas oo salka ku haya is-faham-waa la xiriira nooca loo geli doono doorashada 2024.

PUNTLAND POST

The post XOG: Dhinacyada mucaaradka hubaysan ee Puntland oo u midoobaya madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this