Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: Al Amal Mudug Branch donates $10,000 to General Hospital

Recommended Posts

Gaalkacyo:Xawaalada Amal oo Lacag gudoonsiisay Gudiga gacanta ku haya Isbitaalka Gaalkacyo.

26. oktober 2010

 

APL

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Xawaalada Amal Express oo kamid ah Xawaaladaha ugu waaweyn ee kajira dalka Soomaaliya ayaa Gudiga gacanta ku haya Isbitaalka guud ee gobolka Mudug waxay ku wareejisay Deeq lacageed oo dhan $10,000 (Tobon Kun oo Dollar) taas oo ay ugu talagashay ka qeybqaadashada dib u habaynta lagu wada Isbitaalka.

 

Xaflad siweyn loosoo agaasimay oo ka dhacday Aqalka ay Magaalada Gaalkacyo ka degenyihiin Waftiga Wasiirka Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa ay si rasmi ah Madaxda Amal ee Gaalkacyo gudiga Isbitaalka gacanta ku haya lacagta ugu wareejiyeen,waxaana ay sheegeen in lacagtani ay kamid noqon doonto lacago badan oo ay Amal ugu talagashay Isbitaalka guud ee gobolka.

 

Madaxa Xawaalada Amal ee Gaalkacyo oo ka hadlay xafladan ayaa sheegey in Amal ay lacagtan oo uu sheegey in ay badantahay ugu talagashay in ay uga qeybqaadato dayactirka & dib udhiska baahsan ee ka socda Isbitaalka,waxaana uu intaas kudaray in Amal ay ka qeybqaadatay Barnaamijyo badan oo Bulshada wax loogu qabanayo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo isna ka hadlay Xafladan ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay lacagta ay Amal ku warejisay Madaxda gacanta ku haysa Isbitaalka,waxaana uu intaas kudaray in Maamulka Degmada Gaalkacyo uu Xawaaladaha & Shirkadaha waaweyn ee gobolka ugu baaqayo in laga qeybqaato dhisitaanka kasocda Isbitaalka Gaalkacyo.

 

Qunsulka Dalka Soomaaliya u fadhay Magaalada Istanbul oo kamid ah Waftiga Wasiirka Caafimaadka ee dawlada Puntland oo asna ka hadlay Xafladan ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu Arko Shirkado & dad Soomaaliyeed oo markale isku taagay inay dad kooda caawiyaan islamarkaasna wuxuu ugu baaqay in lasii siyaadiyo Barnaamijyada bulshada wax loogu qabanayo.

 

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cali Cabdullaahi Warsame oo isagu gabagabadii Munaasabadan ka hadlay ayaa jeediyey khudbad balaaran oo dhinacyo badan leh taas oo uu ugu hadlayo Xaalada Caafimaad ee Puntland,waxaana uu sheegey in Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug uu imika gabagabo ku dhowyahay,waxaana uu amaanay Hogaanka guud ee Xawaalada Amal oo uu sheegey in ay kamid noqdeen dadka ka qeybqaadanaya howsha Qaran ee ka socota magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amal Bank Oo Lacago Ugu Deeqday Dhismaha Cisbitaalka Gobolka Mudug

Posted by Ali on October 26th, 2010

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Munaasabad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin katirsan dawlada puntland mamulka gobolka kan degmada nabadoono iyo marti sharafkale ayaa xawaalada Amal Bank deeq lacageed guduunsiisay gudiga daqli uruurinta cisbitaalka guud ee degmada Galkacyo.

 

Deeqdan lacageed ayaa gaaraysa 10′000 (Toban kun oo dolar) taa oo loogu talagalay dhismaha cisbitaalka guud ee degmada Galkacyo.

 

Munaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay madaxda xawilaada Amnal iyo masuuliyiinta ka qaybgalay uu ugu horeeyo Wasiirka cafimaadka dawlada puntland Cali C/laahi Warsame.

 

Mamulaha Amal Bank laanta Galkacyo Cali Faarax ayaa lacagtan guduunsiiyay gudi gacanta ku haya dhismaha cisbitaalka waxaana ka gudoomay Cumar Dheer oo xubin ka ah gudigaa.

 

Cali Faarax ayaa sheegay in lacagtan hordhac utahay lacago tixanaa oo ay ugu talagaleen in ay ugu qaybqaataan dhismaha cibitaalka waxaana uu intaa ku daray in shirkada ka qaybqaadato goobkasta oo loogu adeegyo bulshada goobo farabadana dhismahooda ka qaybqaateen.

 

Wasiirka Caafimaadka dawlada Puntland Cali C/laahi Warsame oo goobta ka hadlay ayaa soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaysa waxaana uu aad ugu mahadceliyay xawaalada amanl doorka ay ka qaadatay dhismaha cibitaalka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan umahadceliynayaan cidii ka qaybqaadatay dhismaha cisbitaalka guud xawaala amalna ku dayasho mudantahay.

 

Guud ahaan martidii halkaasi ka soo qaybgashay ayaa mahadbalaaran u celiyay doorka muhiimkaa ee xawaalada amal ugu qaybqaadatay dhismaha cisbitaalka.

 

Sawirada munaasabada goordhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa

 

Aqristayaasha Wakaalada Wararka Puntlandi.com waxaa u soo gudbindoonaa Barnaamij Gaara oo ku saabsan halka uu marayo Dhismaha Cisbitaalka iyo Khudbadii dheerayd ee Wasiirka Caafimaadka jeediyay.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this