Sign in to follow this  
General Duke

Irrelevent Mr Dheere re-recognises the TFG

Recommended Posts

THE NOT SO BIG MAN OF JOWHAR, TURNS 360 DEGREES AND ENDS UP NO WHERE. nOW AFTER THE FAILURE OF FIGHTING IN MOGADISHU HE MAKES UP WITH THE TFG. MR DHEERE YOU ARE A LIGHT WEIGHT. :D

 

 

Maxamed Dheere: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dib ugu soo laabanaysaa Degmada Jowhar

Posted to the Web Apr 03, 15:34

 

 

Jowhar (PP) - Gudddoomiyaha siyaasadda ee Gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay degmada Jowhar ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya la xalliyay isla markaana ay dowladdu dib ugu soo laabanayso Jowhar.

 

Maxamed Dheere wuxuu sheegay in kulankii isaga iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ay ku yeesheen Addis Ababa uu ahaa mid ay ku dhameeyeen dhammaan khilaafaadkii jiray, waxaanan gaarnay heshiis dhab ah oo wanaagsan.

 

"Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Aniga waxaan yeelannay wadahadallo qaatay muddo saddex casho ah, balse ILLAAHAY mahaddii waxaa meesha ka baxay khilaafaadkii aniga iyo Dowladda Federaalka Soomaailya noo dhexeysay, waxaana gaarnay heshiis dhab oo dhigaya in dowladdu ay dib ugu soo laabanayso Jowhar" ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogolaatay inay bixiso lacagihii ay ku lahaayeen dadweynaha Reer Jowhar iyo maamulkooda, waxaanan ka codsanayaan in ruux walba oo lacag lahaa uu soo sameysto warqad ay ku caddahay lacagta uu leeyahay si loo siiyo".

 

Maxamed Dheere ayaa muujiyay inuu rajo wanaagsan ka qabo in dowladdu ay mar kale dib ugu soo laabato Jowhar isla markaana ay ku shaqeyso, waxaana uu sheegay in taasi ay mar kale guul u tahay Dadweynaha Reer Jowhar oo uu sheegay inay yihiin dadweyne in badan u soo dhabar adaygay kaalmeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

14-kii bishii Maarso ayay ahayd markii uu Maxamed Dheere Sheegay in Gobolka aan laga aqoonsanayn Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana aysan soo mari karin goob ka mid ah gobolka, waxaase tani ay u muuqataan in la dhameeyay khilaafaadkii jiray.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar 03 April. 06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed dheere ayaa waxa uu sheegay in dowladda FS ay dib ugu soo laaban doonto magaalada Jowhar, lana dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay, ka dib kulan uu la qaatey Maanta xubno ka tirsan maamulkiisa.

 

 

Maxamed Dheere, Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe

Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed dheere oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa maanta kulan uu la qaatay xubnaha sar sare ee maamulkiisa waxa uu uga war bixiyay waxyaabihii uu kala soo kulmay kulamadii uu la qaatay Ra'isulwasaare geedi iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia.

 

Maxamed Dheere ayaa waxa uu tilmaamay in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda FS iyo maamulkiisa, waxii deyman ahaa ee decumenti leh oo uu ku leeyahay DFS in la bixin doono, isagoo sheegay in gudi loo saaray arimahaasi, waxaana uu tilmaamauy in dadka reer Jowhar ee deymaha ku leh dowladda iyana la siin doono.

 

Waxa uu xusay in kulamadii Ethiopia uu kula soo qaatay Ra'isulwasaaraha Somalia Prof. Geedi, uuna shir Gudoominayay wasiirka arimaha dibadda ethiopia Sioum Musfin uu ku dhamaaday Guul iyo Is afgarad.

 

Horaantii bishii Maarso ayay aheyd markii Maxamed Dheere uu shaaciyay in dowladda FS aaney imaan karib magaalada Jowhar, isla markaana uu ku leeyahay lacag gaareyso 9 milyan oo doollarka Mareykanka, kharashkaasi ayuu ku sheegay in uu kaga baxay intii dolwadda ay dagneyd magaalada Jowhar.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Dheere ayaa khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf tan iyo waxii ka dambeeyay heshiiskii Madaxweynaha uu kula soo gaaray magaalada Cadan Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadam.

 

Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia in uu u qeybiyay hubkii uu kala yimid dalka Yemen maleeshiyooyin isaga ku heyb ah, isagoo ku tilmaamay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu yahay nin ku shaqeeya qaab qabiil.

 

 

 

Shabelle Media Network, Sh/dhexe

Daawo bogga sawirada abaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nin bilaa mabda' iyo ola jeedo unbaa talada walwalaaqdo, Good JOB Mr.Dheere, I was expecting this from him, he was right though to sound pissed off at first whent he TFG left him, hadda waa sidii cunug yaroo masaasada caanaha lagu aamusiiyey oo afka loo galshey ayuu u hadlayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ looooooooool @ masaasada.

 

Ciladda kaliya ee uu qabo MD waxaa weeye uurka waxa ku jiro ma qarsan karo, therefore he is not fit to be a politician. Remember the equation: "lajiifiyaana banaan la joojiyaana banaan of politics". Tan kale intuu aduun isku qaribo ayuu hadhoowna yiraa "mayee, waan ka noqday". what a such an unpredictable nut!

 

 

U malaynmaayo in ina Yeey waligiis Jawhar ku noqonayo, ma sheegin Geedi.

 

 

am

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Clearly Maxamed Dheere was wrong and his attack governemnt and its members is unforgivable but they way that so is the way that the government handled the problem. Speaking to this guy after his insult on the president and other members of government was wrong because its tells other orlards that they can do and say as they please and will be not only forgiven but reworded for it. Leaving as they did and not explaining and not clearifing their actions to maxamed dheere and the general somali public is also wrong. Being Silent,l in articulate and behind closed door deals are never the right way to deal with problems of this sort but to defind your position the public and accusers is. How inarticulate this government is, is very disappionting at the very least.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this