Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Sweden oo Danjire Cusub u Soo Magacowday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhinaya Soomaaliya  Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay.

Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi, dowladda Sweden ayaa qeb ka ah dowlada taageera dowladda Somaaliya.

Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran, kuwaas oo muddo ku noolaa dalkaasi, xilli uu kamid yahay wadamada sida weyn looga tixgeliyo bulshada Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this