Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Kala Socotaa Loolanka Cusub ee NATO iyo Ruushka ee Qaaradda Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Lloyd Austin, Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka oo socdaal ku maraya geeska Afrika ayaa Djibouti ka sheegay in kooxda Wagner oo ah ciidamo ay maalgeliso dowladda Ruushka, kana howlgala dalal badan Afrika aanay sii jiri doonin haddii aanay  kremlin sii wadin taageeradeeda kadib geeridii hoggaamiyahii  kooxda Yevgeny Prigozhin.

Mareykanka waxaa uu ku doodayaa in ay jiraan dalal badan oo Afrikaan oo ka shalaayay in ay fariisimo siiyaan kooxdan Wagner xilli ay si toos ah uga howlgalaan dalal sida; Central African Republic, Mali, Liby, Sudan,  Mozambique iyo qaar kale.

Ruushka waxaa uu marar badan sheegay in kooxdani Wagner uu kula dagaalo argigixisada caalamiga ah, laakin Washington waxaa ay u aragtaa in Ruushka uu wado damac dhul ballaarsi ah iyo dano siysaadeed, iyaga oo wacad ku maray in ay hor istaagi doonaan.

Mareykanka keliya kama digayo dhibaatada kooxda Wagner ee xuquuqda aadanaha ee waxaa uu qabaa in ay ku lug lahaayeen afgambiyo ka dhacay qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ay ka howlgasho.

Keliya 3-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa qaaradda Afrika ka dhacay ilaa 8 afgambi oo ay ka mid ahaayeen qaar ka dhacay  Niger, Burkina Faso, Guinea, Chad, Mali, Sudan iyo Gabon, maamulka Joe Biden oo ay wehliyaan dalal kale sida Faransiiska iyo guud ahaan dalalka NATO waxaa ay qabaan in kooxdan Wagner ay ku milnayd qaar ama dhammaan afgambiyadaan, lana joogo xilligii wax laga qaban lahaa.

Haddaba, isheysadkaan maxuu keeni karaa; Maxaa ay isku heystaan?

Vladimir Puti, Madaxweynaha Ruushka waxaa uu si cad u sheegay in xiriirka uu dalkiisa la yeelanayo Afrika ay ka mid tahay hortabinada siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo shirar joogta ah, oo sanadle ku jiro la qaato hoggaamiyeyaasha Afrika, waxaa uuna bilaabay in uu siiyo qaar taageero dhinacyo badan.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa in ay tahay soocelinta kaalintii Ruushka uu ku lahaa qaaradda oo meesha ka baxday kadib markii uu dhammaatay dagaalkii qaboobaa, iyaga oo Afrika ay ilaa 35 dal ay hantiwadaag ahaayeen inta u dhaxeysay 1950 ilaa bartamihii 1980-aadkii, midowga Sofiyetna ahaa saxiibka koowaad ee qaaradda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this