Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafladdii Arooska Ee Murugada Isku Bedeshay oo Lagu Waayay 100 Ruux iyo Dhaawaca 150 Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay waqooyiga Ciraaq, Arooska iyo aroosada ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan dadka la ku dhintay dabkaasi khasaaraha badan dhaliyey.

Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah kuwa dhaawacmay ay ku sugan yihiin “xaalad aan degganayn”  xilli kuwa halista ah loo wareejiyay isbitaallo gaar ah, kuwaas oo wax ka qaban kara dhibaatada gubashada ka dhalatay ee dhaawacyada ah.

Madaxweynaha wadanka Ciraaq, Abdul Latif Gamal Rashid, ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan ay u tahay in la furo baaritaan ku dhacdada, waxaana uu tilmaamay sida uu ka xun yahay waxa ku dhacay lamaanihii arooska ahaa ee ku nafwaayey dabka.

“Waxa ku dhacay caruurteena degmada Al-Xamdaniya waa masiibo xanuun badan, iyo shil na jeexjeexay quluubtayada iyo quluubta Ciraaqiyiinta oo dhan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa  X, Twitter, isaga oo muujiyay sida uu ka xun yahay.

Guddoomiyaha gobolka Nineveh ee dalka Ciraaq, Najm al-Jubouri, ayaa ku dhawaaqay baroor diiq soconaysa toddobaad kaddib dabkii khasaaraha badan uu dhaliyay dab  qabsaday hool ay ka socotay xafladda oo ku taalla degmada Hamdaniyah ee gobolkaasi.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Nineveh ayaa ku dhawaaqday in ugu yaraan 100 dhimasho ah iyo in ka badan 150 dhaawac ah la diiwaan galiyay taasoo ah tirade hordhac ah ka dib dhacdada dhacday intii lagu jiray xaflad aroos habeenkii Talaadada aheyd dhacayey.

Isbitaalka weyn ee Xamdaniya oo dhanka bari kaga beegan magaalada Mosul ee gobolkaasi ayaa waxaa gaaray tobanaan kun qof si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah, kuwaas oo waxyeelladu ay kasoo gaartay dadkii ka kacay hoolka ay ka socotay xafladda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this