Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Xal Loogu Helay Sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho Maxaa Sabab u Ahaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadaalada sugidda amniga caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyo in laga hortago qaraxyada, dilalka iyo falal dambiyeedyada kale sida cayaal weerada oo horay ugu muuqday quus iyo taagwaa ayaa hadda u muuqda kuwa xal loo helay. Iyada oo bilihii ugu dambeeyay ay Muqdisho heshay xasilooni amni, mid nabadeed iyo degenaan.

Haddaba. Waxaa isweydiin leh, Maxaa cusub?

Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah.

Amniga caasimadda Muqdisho waxaa guud ahaanba la wareegay April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “ Gungaar” oo ah nooca booliis loo tababaray sida milatariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay  in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, ayna ka dhawraan qarax iyo ciyaal weero.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 3,000,  waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa.

Ciidanka ayaa lagu soo tababaray dibada dalka, waxayna heystaan tabar ay ka mid tahay la dhaqanka dadka sida ay noo xaqiijiyeen taliyeyaasha.

Ciidanka ayaa ku baahsan caasimada iyo koonaheeda, waxa ay joogaan 17 saldhig, iyo 100 bar oo amniga laga sugo.

Haddaba, Howlgalka ay ciidamadaasi sameeyaan, istaraatiijiyado nocee ah ayay isticmaaleen, maxaase u qabsoomay dhanka wax kaqabashada cayaal weerada, kahortagga weerarrada, waase sidee la dhaqankooda dadka?

(1). Cayaal Weerada:

Si wax looga qabto dhibaatada cayaal weerada, oo falal dambiyeedyo kala duwan ku hayay degmooyin ka mid ah Muqdisho, waxaa ay ciidamada saldhigyo joogta ah ka sameysteen degmooyinka ay ku dhuumanayeen cayaalkaasi, iyaga oo bilaabay in ay ku baacsadaan meelaha howdka iyo mugdiga ah, waxaa lasoo qabtay qeybo badan oo hoggaankooda ah, iyada oo sidoo kale la baabio’iyay keydooda darooga sida Xashiishta, taasi oo keentay in dadku ka ammaan helaan.

Sadiiq Doodisho oo ay Goobjoog wax ka weydiisay hawlaha ciidanka ee la dagaalanka Cayaal weerarada ayaa “ Ciyaal weerada waxay ku soo bexeen xili kala guur ah, waxaana dajinay qorshooyin gaar ah, waxaana u helnay xal, qolyihii maandooriyahana waxaa loo helay xal.”

Keliya ma aha in ciidamo ay fariisimo ka dhigteen goobihii ay joogeen cayaal weerarada, ee cayaalkii ayaa dhanka kale loo sameeyay dhaqancelin, qeyb ayaa waxbarasho dib ugu noqotay, halka qaar kale ay iskood u raadsadeen shaqooyin wanaagsan oo bulshada ay dib ugu laabteen iyada oo hadda laga gudbay sheekada cayaal weero.

(2). Weerada Al-Shabaab:

Dhanka kahortagga qaraxyada iyo dilalka qorsheysan waxaa la siiyay ahmiyad gaar ah, ciidanka amniga police militaire waxaa ay adkeeyeen baraha amniga ee kala duwan, iyada oo cabbir ahaan helay goobaha ay laga soo tuuri jiray hoobiyeyaasha kadibna ka howlgalay kahortagooda, waxaa kale oo ay degeen meelaha xasaasiga ah, iyada oo la adkeeyay suuragalnimada in wax la isu gudbiyo.

“Fashilinta qaraxyada soo galijiray magaalada waxay ku timid, hawlgalada ciidanka oo la kordhiyay, isbadal lagu sameeyay ciidanka, iskaashiga ciidanka iyo shacabka oo kordhay, ciidanka oo loo tababaray hagaajinta hab la dhaqanka shacabka.” Ayuu yiri Sadiiq Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

Ciidamada ammaanka ayaa ku arkeysaa iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidka weliba xaafadaha dhexdooda, waxaa ayna ku fidsan yihiin guud ahaan caasimadda, taasina waxaa ay keentay in amniga uu baaho. Muqdisho oo ay ka dhici jireen qaraxyo iyo dilal joogta ah ayaa hadda gashay xaalad cusub, waxaana hoos u dhacay falalka dambiyeedyada noocaasi ah.

(3). Kasbashada Kalsoonoda Shacabka;

Kasbashada kalsoonida shacabka oo ay soo sheegaan amni darrada, ladagaalanka musuqa iyo arrimo kale ayaa ka mid ah shaqooyinka keenay in la adkeeyo amniga.

“Si looga digtoonaado isku milan ku yimaada ciidanka iyo dadka deegaanka ayna sidaa kaga faa’iideystaan kuwa dagarta maleegaya ayaa waxaa isbedal joogta ah lagu sameeyaa askarta joogta baraha koontarool, waxaana sahlanaatay in la qabto qaraxyo la soo gelin rabay magaalada ama waxay qarxeen markii ay arkeen in aysan baxsan Karin.” Waxaa yiri taliye ka tirsan ciidanka oo aan qarinay magaciisa sabab la xariirta fasax in uusan u heysan in uu la hadlo warbaahinta.

Bulshada ku nool Muqdisho oo ay warbaahinta Goobjoog weydiisay sida ay u arkaan ciidan ayaa siyaalo kala duwan u soo dhaweysay wax ka qabashada amniga.

Cali Cosob, oo ka mid bulshada ku dhaqan dagmada Kaaraan ayaa yiri “ Waxaa ku seexan jirnay walwal, maqribkii kadibna waa adkeyd in loo baxo adeeg, waxaanse hada dareemeynay dagaan iyo xoriyad, waxaan baxnaa xiliga aan doono, waan ku diirsanay ciidanka.”

Qof ka ku nool Muqdisho waxa uu walwal ka qabajiray in uu jidka kula kulmo labo arrin in uu qarax la kulmo ama in koox burcad cayaal weero ah ay ka qaataan wax uu wato ama dilaan, waxaase arrintaa walwalka leh meesha ka bixiyay bilihii la soo dhaafay ciidanka booliiska oo u hawl galay si ka duwan sidii hore, helayna kalsoonida dadka ku nool Muqdisho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this