Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabaab oo Fuliyey Gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa howlgal  ka fuliyey deegaanada Bariga iyo Galbeed degmada Waajid ee gobalka Bakool, halkaas oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay labada dhinaca ee xoogga dalka iyo Al-shabaab.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaaminaysay waxaa ay sheegeen lagu burburiyay goobo Al-shabaab ay deganaayeen oo fariisinno iyo maxkamadyo u ahaa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalka waxaa horkacayey taliyaha ururka 47-aad, Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga Axmed Maxamed Nuur Dhagey, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Waajid.

Gobolka Bakool ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya, kuwaas oo qeybta howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo taageeraya ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala deegaannada gobolka Bakool.

Gobolka Bakool ayaa kamid ah gobollada deegaannada badan ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, waxaana xusid mudan in muddo dheer ay go’doon ku jirto magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka,  taas oo aan u gudbi karin deegananada kale.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this