Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaro degmada.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lagu soo warramayaa  si gaar ah inuu uga dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale, sida goobjooyaal ay sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in si gaar ah loola beegsaday taliyaha  Nabad-Sugidda ee degmada ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo ku magac dheer  (Seedi-Xume) wallow uu ka badbaaday weerarka lagu qaaday.

Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay, isaga oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray.

Sikastaba ha ahaatee degmada Deyniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi, oo ay geysanayaan kooxo aan la garan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this