Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska Dhalashada Nabiga(SCW) oo Caalamul Islaami Maanta Siwyn Looga Dabaaldegayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Caalamul Islaami waxaa maanta siweyn looga xusayaa degaaldegga xuska dhalayashadii Nabigeenna Muxamed( SCW), meelaha siweyn looga dareemayo ayaa waxaa kamid ah gudaha dalka, iyadoo maanta ay socdaan dabaaldegyo waaweyn oo lagu weynaynayo dhalashadiisa oo began 12 bisha Rabiicul Awal.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale goobaha wax lagu barto, iyadoo lagu weynayo xuska iyo dagaaldegga dhalashada sanadkaan ee Nabiga (1445) oo sidoo kale ku beegan 2023 Milaadiyada, sanadkaan ayaa ka duwan sanadadii hore.

                                  Kumuu ahaa Nabigeenna Muxamed( SCW)

Wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee koonkaan Allah uu usoo saaray, si umaddaan uu u gaarsiiyo xaqa kagana digo baadilkii ay kugnaayeen markaas, dhaxalkii iyo dadaalkii uu ka tagay ayaa ah waajib saran xuux waliba inuu gaarsiiyo kan kale aysan gaarin, sidii uu ku dardaarmay sanadkii Xajatu Widaac la yiri.

Abtirsiga Nabiga

Magaciisa oo dhammeystiran  Waa Muxamad Binu Cabdilaahi, Binu Cabdil Mudalib, Binu Haashim, Binu Cabdi manaaf, Binu Qusayyi, Binu Bilaab, Binu Murah, Binu Kacab, Binu Lu’ayi, Binu Qaalib, Binu Fihri, Binu Maalik,Binu Al Nadar, Binu Kinaana, Binu Khuzeyma, Binu Mudrika, Binu Ilyaas, binu Mudar, Binu Nazaar, Binu Macid, Binu cadnaan.

Waxaa uu dhashay sanadkii loogu magacdaray Caamul Fiil, sanadkaas oo Boqorkii Xabashida uu weerar kusoo qaaday beydka Allah ee Xaramynta, waxaa sidoo kale taariikhyahannadu ay sheegaan in Miilaadigu markaas ku beegneyd 570 ama 571 sida Ahlu siyarka ay wariyaan marka laga hadlayo taariikhda.

Hooyadiis waxey dhimatay Isagoo jira (Lix bilood), awoowihiis Cabdul Mudalibna wuxuu dhintay isagoo (Siddeed jir ah), ka dibna waxaa noloshiisa kafaala qaaday Adeerkiis Abuu Taalib, intuu Adeerkiisa ka dhinto isaga ayuu la noolaa. Waxaana soo nuujisay Xaliimat Sacdiya.

Xaasaskii Nabiga  iyo Caruurtii uu Dhalay (SCW)

Khaddiija 595 ilaa 619 C.D
Sowda 619 ilaa 632 C.D
Caisha 619 ilaa 632 C.D
Xafsa 624 ilaa 632 C.D
Saynab 625 ilaa 627 C.D
Hinda 629 ilaa 632 C.D
Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D
Juwayriya 628 ilaa 632 C.D
Safiyya 629 ilaa 632 C.D
Ramla 628 ilaa 632 C.D
Maymuna 630 ilaa 632 C.D
Maryama 630 ilaa 632 C.D
Rayhana 629 ilaa 632 C.D

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this