Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiista Qaba Cudurrada Faafa oo Xabsiga Dhexe Looga Dhisayo Xarun Lagu Karaantiilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa, waxaana dhaxgax dhigga dhismahaan sidoo kale kasoo qeyb galay saraakiil kale ciidanka ah.

Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha, si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa, kuwaas oo u baahan xanaano gaar ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this