Sign in to follow this  
Deeq A.

garsoore ku sugan New York oo go’aamiyay xukun ka dhan ah Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   
12a6ba6e-dd77-4f7b-9930-8a7ca7badfd4_cx0

Donald Trump iyo wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York.

Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James.

James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda.

Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah.

James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaaliyaha guud.

PUNTLAND POST

The post garsoore ku sugan New York oo go’aamiyay xukun ka dhan ah Donald Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this