Sign in to follow this  
General Duke

Hiiraale appeals to the President...

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf oo ka jawaabay waraqadii B. Hiiraale kuna war geliyay

Posted to the MOL May 21, 2006, 10:11 am

 

 

Baydhabo:- Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in madaxweynaha dowladda federaalka Col. C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka jawaabay waraaq Ashtako ah oo uu doraad u soo diray wasiirka dib u dhiska Barre Hiiraale taasoo uu ku dalbanayay in laga saaro liiska wasiirada gadoodsan ee Muqdishana dagaalada ka wada, maadaama uu isagu dowladda howlo uga wado magaalada uu maamulo ee Kismaayo.

 

Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waraaqdiisa jawaab celinta ah uu ku sheegay in Barre Hiiraale iyo xldhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar ay lagama maarmaan tahay inay yimaadiin magaalada Baydhabo, gaar ahaana Barre Hiiraale kana hor sheego kulanka golaha wasiirada cabashadiisa, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee aynu ka helnay Kismaayona ay sheegayaan in arrintaasi ay kulamo gooni gooni ah ka leeyihiin mas'uuliyiinta sar sare ee isbaheysiga Dooxadda Jubba.

 

Barre Hiiraale ayaa la tilmaamay in laga yaabo inuu tago magaalada Baydhabo maalmaha soo socda isaga iyo xildhibaan Seeraar oo isna dhowaan ka soo laabtay Baydhabo waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay in go'aanka wasiirada loo yeeray ee ka maqan kulamada golaha wasiirada ay u taalo ra'iisal wasaare Geeddi.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya~

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this