General Duke Posted May 21, 2006 Madaxweyne Yuusuf oo ka jawaabay waraqadii B. Hiiraale kuna war geliyay Posted to the MOL May 21, 2006, 10:11 am Baydhabo:- Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in madaxweynaha dowladda federaalka Col. C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka jawaabay waraaq Ashtako ah oo uu doraad u soo diray wasiirka dib u dhiska Barre Hiiraale taasoo uu ku dalbanayay in laga saaro liiska wasiirada gadoodsan ee Muqdishana dagaalada ka wada, maadaama uu isagu dowladda howlo uga wado magaalada uu maamulo ee Kismaayo. Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waraaqdiisa jawaab celinta ah uu ku sheegay in Barre Hiiraale iyo xldhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar ay lagama maarmaan tahay inay yimaadiin magaalada Baydhabo, gaar ahaana Barre Hiiraale kana hor sheego kulanka golaha wasiirada cabashadiisa, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee aynu ka helnay Kismaayona ay sheegayaan in arrintaasi ay kulamo gooni gooni ah ka leeyihiin mas'uuliyiinta sar sare ee isbaheysiga Dooxadda Jubba. Barre Hiiraale ayaa la tilmaamay in laga yaabo inuu tago magaalada Baydhabo maalmaha soo socda isaga iyo xildhibaan Seeraar oo isna dhowaan ka soo laabtay Baydhabo waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay in go'aanka wasiirada loo yeeray ee ka maqan kulamada golaha wasiirada ay u taalo ra'iisal wasaare Geeddi. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya~ Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites