Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaaca ka qaaday arrin ay kala kulantay dagaalladii gobolka SOOL

Recommended Posts

Deeq A.   
sacad.jpg?fit=760%2C450&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland hoos dhac weyn ku yimid, tan iyo marki ay billowdeen dagaallada gobolka Sool.

Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsan yahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

“Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xirnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hadda hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa,” ayuu yiri Sacad Shire.

Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, waxa taas dheer gubashada suuqa weyn Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Ganacstada dowladda deegaanka Itoobiya ayaa badankood u wareegeen dekadaha Puntland taas oo iyaduna dhabar jab ku noqotey dhaqaalaha Somaliland.

Dabayaaqadii August, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Somaliland ay mar kale isku diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato ayada oo ciidamo ururineysa.

The post Somaliland oo shaaca ka qaaday arrin ay kala kulantay dagaalladii gobolka SOOL appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this