Sign in to follow this  
Deeq A.

Tafaasiil laga Bixiyay Kulankii Madaxweynahoodu la yeeshay Diblomaasi ka sicday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyadda Uganda oo Tafaasiil ka Bixisay Kulankii Madaxweynahoodu la yeeshay Diblomaasi ka sicday Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Dowladda Uganda ayaa si rasmiya uga hadashay kulankii aqalka madaxtooyada ee dalka Yugaandha ku dhexmaray madaxweynaha Uganda Yuweeri Musafani iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergayga gaarka ah ee Somaliland.

Dr. Jaamac Muuse waxa uu Yuweeri gaadhsiiyay dalab la xidhiidha in uu qayb ka noqdo wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo salka ku hayay Somaliland mowqifkeeda gooni isu taaga ah, kaas oo Somaliland ku doonaysay inay Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqoto si waafaqsan xuduudihii gumeystaha labada dhinac ee 1960-kii.

Madaxweyne Musafeni ayaa lagu casuumay in uu dhex dhexaad ka yahay ururinta wada hadalada iyo in la ixtiraamo natiijada ka soo baxda, waxana warbixintaasi lagu xusay in Uganda kaalin muuqata ka qaadatay horumarinta nabada iyo abniga Soomaaliya.

Dr. Jaamac waxa uu xaqiijiyay in Somaliland doonayso ku biirto horumarka socda, ee dalalka bariga Afrika, ee loo soo gaabiyo EAC, waxaanu ka codsaday madaxweynaha Yugaandha Yuweeri Musafeni in uu ka taageero arrintaasi,

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this