Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Gaaray Deegaannaddii Laga Saaray Al-shabaab Ee Jiinka Wabiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo dhowaan laga saaray Ak-shabaab, deegaankaan ayaa hoos yimaada degmada Magadaay.

Madaxweynaha ayaa halkaas kula  hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka, waxaana uu ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan dagaallada ay ka wadaan deegaannada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle oo maalmahaan la isku hayay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka Al-shabaab,  wuxuuna ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dagaalka Al-shabaab, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaannada ay matasho ama ka tirsan maamulka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this