Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda oo Degmada Xarardheere Ku Qabtay Xubin Ka Tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay  Cismaan Maxamuud Barre oo ah 17 sano jir ka tirsanaa Al-shabaab, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi.

Cismaan ayaa qaabbilsanaa inuu sahmiyo waddooyinka qaraxyada lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere, waxaana gacanta ku dhigay ciidanka amniga ee sahanka u ah magaalada, xilli ay ku jireen kormeer dhanka amniga sida lagu xaqiijiyay wararka laga helayo Xarardheere.

Dowladda federalka ayaa dhowr jeer soo bandhigtay xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku soo dhiibay dhankooda, qeybta 60-aad ayaa inta badan soo bandhigtay xubnaha isku soo dhiibay ciidanka, magaalada Xarardhere ayaa waxaa maalmahaan ku sugan wasiirka arrimaha gudaha.

Goobjoog Newas

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this