Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, guddoomiyaha ayaa halkaas ku wareejiyay deeq loogu talo galay dhismaha qeyb kamid ah Isbitaalka oo hey’addu maareynta ay ballanqaaday in ay dib u dhisayso.

Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta, xilli muddooyinkii dambe ay cabashooyin badan ay ka taagneyd in degdeg looga jawaabo baahiyaha qaar marka wax ay dhacaan.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this