Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo tegay deegaan lagu go’doomiyay boqolaal AL-SHABAAB ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Guudlaawe.jpg?fit=1079%2C720&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Cali Guudlaawe ayaa booqday deegaanka Ciid-ciidka, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin boqolaal ka tirsan xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay isku hareereeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka uu hadda tegay madaxweynaha HirShabelle ayaa waxaa shalay ku dagaalamay ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab oo ku jira dhul keyn ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana meesha ka dhashay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac baahsan.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay ciidanka ayaa kula dardaarmay inay xoojiyaan halgankooda, wuxuuna sheegay in laga adkaaday Al-Shabaab, dagaalkuna uu sii socon doono.

“Shabaab waan ka adkaanay, waana ka adkaan doonaa, Ilaahey idamkiis, wixii dhiman waa la dhammeystiraa” ayuu yiro madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in deegaankan uu soo gaari doono gurmad ciidan ah, si loo soo afjaro Al-Shabaabka ku go’doonsan halkaasi.

“Nimanka meeshaan ku jira waqti kooban waa looga bixin doonaa, Insha Allah gurmadna waa soo socoyaa korna waa laga garaacaa, hoosna waa laga galaa” ayuu sii raaciyay.

Al-Shabaabka ku sugan deegaanka Ciid-ciidka ayaa dhowaan ka soo gudbay wabiga oo la sheegay inay ahaayeen boqolaal dagaalyahan, waxayna hadda noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah oo illaa iyo hadda ka socda halkaasi.

Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn.

The post Cali Guudlaawe oo tegay deegaan lagu go’doomiyay boqolaal AL-SHABAAB ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this