Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dacwad kusoo oogeysa mulkiilaha World Remit – Maxaa la isku haya?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ismail_Ahmed.jpg?fit=954%2C952&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyay inuu dacwad kusoo oogayo Mulkiilaha xawaaladda World Remit Ismaaciil Axmed.

Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa Ismaaciil maxkamada la tiigsanaya kadib markii uu Bangiga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qiimo dhaca ku yimid Shillinka Somaliland, kadib sicir-barar horleh oo ka dhashay arrintaas.

Ismaaciil ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Bangiga Dhexe inuu ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, xilli uu joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray.

Bangiga oo ka jawaabay eedeymaha mulkiilaha World Remit ayaa gebi ahaanba ku tilmaamay waxba kama jiraan, wuxuuna ganacsadaha ku eedeeyay inuu caadeystay faafinta warar been abuur ah.

“Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa islamarkaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Somaliland.

“Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.”

Bangiga ayaa sidoo kale waxa uu qiray in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, hase yeeshe wuxuu beeniyay inay jirto kala badnaansho lacagta wareegaysa suuqyadda iyo lacagta cadaanka ah, nooca ay doonto ha ahaatee.

Hoos ka aqriso bayaanka Bangiga Dhexe oo dhameystiran;

Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

Lixdii sanno ee ugu danbeeyay Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu ku guulaystay in uu kor u qaado qiimaha Shillinka JSL 21%, sidoo kale waxa uu joogteeyay xasilinta sicirka sarrifka kaas oo shantii sanno ee ugu danbaysay dul-fadhiyay 8,600 SH SL, iyadda oo Baanka SL ku guulaystay muddadaas dheer in uu maareeyo joogtaynta sicirka Sarrifka, Qarankana kala dabaasho dhamaan culaysyaddii aduunyadda ka dhacay ee saamaynta Togan ku lahaa dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan aduunka, Sida xanuunkii COVID-19, Dagaalkii Ukraine, iyo gubashaddii Suuqa Waaheen.

Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu qirayaa in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, kor u kacaas oo dhan 3% kaas oo sida muuqata ah mid aad u sahlan marka loo eego duruufaha dhaqaale iyo lacageed ee dalka iyo gobolka ama la bar-bar dhigo wadamada aynu jaarka nahay.

Haddaba, taariikhdu markay ahayd September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.

Baanka Somaliland waxa uu ruqsad siiyay shirkadda Worldremit Somaliland oo uu mulkiilayaasheeda ka mid yahay Ismaaciil Axmed 2018. Shirkadda Worldremit Somaliland waxa ay si iskeed ah iskaga soo celisay ruqsaddii ay haysatay March 2022. Waxa halkaa ku dhamaaday dhamaan shaqooyinkii ay ka haysay guddaha dalka sharciyan. Ismaaciil ma jiro Xafiis uga furan dalka gudihiisa, wax shaqaale ah oo u joogaana ma jiraan wakhtigan Somaliland.

Beenaha, Boorabagaandada iyo gefefka uu ku baahiyay barahiisa bulshada Ismaaciil Axmed 23/Sep/2023.

Qodobka 1aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Somaliland soo geliyay suuqa lacago Digital ah oo ka badan lacagta daabacan’’. Baanka Somaliland waxa uu u cadaynayaa bulshadda JSL, in aanay jirin lacag Digital ah oo uu suuqa soo galiyay haba yaratee.

Baanka dhexe ma abuuro lacag Digit ah wakhti xaadirkan, taa badalkeeda waxa uu korjoog teeyaa shirkaddaha bixiya addeega lacagaha elektarooniga ah ee moobiladda la iskugu diro, kuwaas oo si sharciga waafaqsan uga shaqaysta suuqyada dalka.

Qodobka 2aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Dhexe ku mashquulay lacago dibadda lagu soo daabacayo taasi oo hoos u dhigtay kalsooniddii shilinka lagu qabay’’.

Baanka Somaliland waxa uu bulsha weynta Somaliland iyo ganacsatada u cadaynayaa in aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Qodobka 3aad: Ismaaciil Axmed waxa uu qoraalkiisa ku xusay in uu jiro xeer hoosaad fasaxaya in maamulka Baanka Dhexe ka qaataan khidmad 2.5% ah marka lacag la soo daabaco, taas oo dhiiri galisa in lacag lasoo daabaco.

Baanka Somaliland waxa uu Bulshadda u bayaaminayaa in aanay jirin lacag hadda la daabacayo sida aanu kor ku xusnay, isla markaana aanay jirin dheef 2.5% ah oo Baanka dhexe ka helo lacagaha lasoo daabaco. Dhinaca kale, Suuqyada Somaliland kama jirto baahi loo soo daabaco lacago cusub oo hada suuqa kusii abuura culays hor leh.

Qodobka 4aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in lacagaha shillinka ah ee daabacan lagu qiyaaso 30 Malyuun laakiin se lacagaha wareegayaa ay aad uga badan yihiin intaa.

Baanka dhexe ee JSL waxa uu Bulshada la wadaagayaa in lacagta daabacan ee shillinka Somaliland aanay ahayn lacag u dhiganta 30 Malyuun oo Dollar isla markaana aanay u dhawayn tiraddaa uu mala’awaalka ku soo qoray, mana jirto kala bad-naansho lacagta wareegaysa suuqayadda iyo lacagta cadaanka ahi, nooca ay doonto ha ahaatee.

Ismaaciil Axmed oo aan wax ruqsad ah ka haysan Baanka Dhexe ee JSL tan iyo March 2022 waxa uu sifo sharciga baal barsan uga shaqaystaa suuqyada Somaliland. Qaybta Baadhista dambiyada maaliyadeed ee Baanka dhexe ayaa in muda ah ku haysay daba gal dhawaan lasoo af-meeri doono natiijadiisa.

Ismaaciil Axmed sida ku cad maqaalkiisa ku taariikhaysan 23/Sep/2023, waxa uu Baanka iyo dalka kula kacay fal dambiyeedadan hoos ku xusan:-
1. Khal-khal galin suuqyada sarifka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka.
2. Been Abuur ka dhan ah Baanka Dhexe JSL.
3. Boora-bagaando iyo Been abuur ka dhan ah Madaxda Baanka.
4. Khal-khal galin guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan ganacsada dalka.

Ugu danbeyn, Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

Allah Mahadleh

Mukhtaar Cumar Cali
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Baanka Dhexe ee JSL.

The post Somaliland oo dacwad kusoo oogeysa mulkiilaha World Remit – Maxaa la isku haya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this