Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay cambe dibadda looga soo dhoofiyay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Cambo.jpg?fit=1350%2C1800&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka saacadihii ugu dambeeyay qabsaday hadal heyn ka dhalatay Cambo ay dowladda Masar usoo dhoofisay Soomaaliya, kaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee magaalada caasimada Muqdisho.

Cambahan oo ka qiimo sarreeya kan kasoo go’a beeraheena ayaa sidoo kale maanta lagu arkay suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Halkii xabo ee Cambaha Masar ayaa waxaa la iibinayaa 2 dollar, halka Cambaha kasoo go’a Shabeelooyinka la iibanayo xabaddii nus dollar, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.

Haddaba sidee looga falceliyay in Cambo dibadda looga soo dhoofiyo Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintaan si adag uga hadlay, waxayna qaarkood soo jeediyeen in lala xisaabatmo ganacsatada dalka keentan Cambaha Masar.

Wariyaha caanka ee Salmaan Jamaa Saciid oo kamid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa yiri “Dalkeena maa cambo laga waayay marka Cambo laga keenayo Dalka Masar? .. mala awoodi waayay in cambaha laga iibsado beeralayda dalkeena?”.

Axmed Nuur ayaa yiri “Maanta ma waxaa noo keenteen waddankeena qudartiisa hoos in loo dhigo waddamo kale qudaartooda loo keeno mar hadda xaga bulshada lagala dagalamo waa sidan”.

Nasteexo Axmed ayaa iyaduna tiri “Ganacsatadii keentay cambahan dowladeena hala xisaabtanto”.

Xamza Hiil-Walaal ayaa isna ku jawaabay “Cambe keliya lama keenee dalaga dalkeena kasoo baxa oo dhan aa lagaa keenaa dibadda”.

Ismaaciil Saxafi isaguna wuxuu uga falceliyay “Waa wax laga xumaado in cambo dibadda nooga yimaado annaga oo leh beero cambaha soo saaro”.

Cali Maxamed Cali wuxuu yiri “Kan Soomaaliya ka baxo maxaa raqiis ka dhigay? Kan dibaddane maxaa qaliyeeyay?.

Maryama Cabdikarin waxay tiri “Bisinka keenaaba dhooban, kana macaan midka caalamka yaa naga qabsada ganacsatadaan dibadda aaminsan.

The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay cambe dibadda looga soo dhoofiyay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this