Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo hal arrin ku taageeray DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
US-Treasury-scaled.jpeg?fit=2560%2C1669&

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageereyso qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan in dib loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS, kaas oo dowladdu ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shane Dixon oo ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka dhawaajiyay kadib wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, isaga oo sheegay in dowlada Mareykanka ay taageero siin doonto codsiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalabkan ay keentay baahi, sidaas daraadeedna ay ku garab siineyso dowladda dhexe oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab.

“Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doontaa baahida iyo codsiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Shane Dixon.

Maalmo kahor dowladda Soomaaliya ayaa dalabkan u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM, si muddo saddex bilood ah dib loogu dhigi wajiga labaad ee bixista ciidanka ATMIS.

Sida uu shaaciyay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan daruufu gaar ahaanee kuwo farsamo oo haysto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale arrintan ka duulaya ayaa si deg-deg ah ku tegay Jabuuti, isaga oo madaxweyne Geelle kala hadlay qorshaha dowladdiisa iyo inay ciidamadiisa sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Si kastaba, waxaa la filayay in dhammaanka bishan ay dalka ka baxaan illaa  3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS, iyadoo la raacayo qaraarka golaha ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda dagaal qaraar oo dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale dadka deegaanka.

The post Mareykanka oo hal arrin ku taageeray DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this