Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qori Shabaab ka furteen ciidanka xoogga oo u gacan galay Macawiisley

Recommended Posts

Deeq A.   
381175163_297813999645282_23293528183335

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee ka howlgala aagga tuulada Bulacle oo bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku guuleystay inay soo furtaan qori AK47 ah oo Al-Shabaab ay horay uga furteen ciidanka xoogga dalka.

Qorigaas ayaa la dilay ninkii Shabaab-ka ahaa ee ku dagaalamaayey, sidoo kale ciidanka ayaa soo bandhigay nin kale oo nolosha ay uga qabteen kooxdii Shabaab-ka aheyd ee maanta ay is farasaareen.

Qorigaan ayaa la ogaaday in Shabaab ay ka furteen askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Abuu-Dujaana oo bilo ka hor ay dagaal kula galeen tuulo lagu magacaabo Miir-dugul oo hoos tagta Dhuusamareeb.

Askari ka tirsanaa ciidanka deegaanka oo ku guuleystay in qorigaas uu ka furto Al-Shabaab ayaa abaal-marin ahaan loo siiyey maanta, sidoo kale waxaa loo balan-qaaday abaal-marin lacageed.

Qoryo badan oo ciidanka dowladdu ay la haayeen ayaa horay ugu gacan galay kooxda Al-Shabaab, laakiin inta badan ma dhacdo in dib loo soo furto qoryahaas, hadii lasoo furtana waa qarisaa dowladda Soomaaliya.

Sababta arrintaan hoos loogu dhigo waa in cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saaran tahay Soomaaliya, taas oo dowladdu ay aad ugu xusul duubeyso in caalamku uu ka qaado.

Ciidanka maanta qorigaan soo furtay oo macawiisley ah ayaa dilay xubno Shabaab ah oo watay mooto FEKON, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen nin nool, kaas oo maanta lagu soo bandhigay Bulacle.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada deegaanka ku dhiirigelisay howlgalka ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, ciidankaan ayaa la diiwaan geliyey waxayna dowladu u bilaabeysaa mushaar.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow oo maanta bogaadin ugu tegay ciidankii fuliyey howlgalkaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dowladda wuxuu askartii dishay kooxdaas ee soo furatay qorigaan ka balan qaaday inay heli doonto abaal-marin heer qaran ah.

381175163_297813999645282_23293528183335

dhagarqabe.bmp WhatsApp-Image-2023-09-26-at-8.52.14-AM.57ec2243-4a63-4705-9031-7d31375e3238.jpg 381222744_297813992978616_54086600174253

The post Sawirro: Qori Shabaab ka furteen ciidanka xoogga oo u gacan galay Macawiisley appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this