Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Guudlaawe oo xog culus ka bixiyey Shabaab-kii soo galay aagga Mahadaay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Guudlaawe-a.jpg?fit=1079%2C720&ssl=

Mahadaay (Caasimada Online) –Maxaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in Shabaab looga adkaaday gobolkaas.

Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ka socday deegaanada ku teedsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Deegaanka, Kooxda AS Waa ugu adkaadeen Dagaaladii ay kula galeen deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 6-dii bishaan isku dayday inay ka soo gudubto jiinka wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, balse waxaa halkaas ku qabsaday dagaal culus.

Duqeymo iyo dagaal toos ah ayaa ku bilowday kooxdaas markii ay ka soo gudubtay wabiga, waxaana la sheegay in dib ay ugu laaba waayeen halkii ay ka yimaadeen, kadib markii xarkaha loo jaray doomihii ay ku soo xirteen jiinka wabiga.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa ciidanka deegaanka uga mahadceliyey sida ay u abaabulan yihiin oo kooxda Al-Sbabaab ay isaga dhiciyaan.

Al-Shabaab ayaa doonayey in dagaalyahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, balse waxaa ka hortegay ciidanka deegaanka ee Macawiisley.

Tirada kooxdii isku dayday inay ka soo gudubto wabiga Shabeelle waxaa lagu sheegay 400, waxaana la sheegay intooda badan in la dilay.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Guudlaawe oo xog culus ka bixiyey Shabaab-kii soo galay aagga Mahadaay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this