Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda la sii ogyahay

Recommended Posts

Deeq A.   
180819032827-el-sisi-1.jpg?resize=1000%2

Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhawaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka ku sii joogo illaa 2030.

Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.

Siyaasiyiin dhawr ah ayaa durba ku dhawaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag lama geli doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014, islamarkaana Reer Galbeedka kala kulma dhalleeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha Masar.

Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hoggaamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa oo markaas halsano jiray.

PUNTLAND POST

The post Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda la sii ogyahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this