Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay maxkamad la tiigsanayso mulkiilaha World Remit iyo Ismaaciil Axmed oo mar kale u jawaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Ismaaciil Axmed oo ah mulkiilaha xawaalada World Remit, kadib markii uu baanka ku eedeeyay in uu masuul ka yahay qiimo dhac ku yimid shillinka Somaliland

Ismaaciil ayaa bangiga ku eedeeyay in uu soo daabacay lacago cusub oo Shillinka Somaliland ah, isla markaana uu suuqa kusii daayay lacag elektaronik ah, sidoo kale waxa uu sheegay in bangigu uu joojiyay lacagihii dollarka ahaa ee uu kula tacaali jiray sicir bararka wakhtiyadan oo kale.

Waxaanu yidhi ganacsaduhu sida tan: “Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL waa mid u baahan in ay dawladdu si deg deg ah wax uga qabato, si looga baaqsado burbur dhaqaale.

Shilinka suuqa wareegaya oo xaddigiisu ka batay mid suuqu qaadi karo ayaa keenay in qiimihiisu hoos u dhaco. Ka sakow hoos u dhaca dhaqaale ee colaaduhu sababeen, waxa hoos u dhaca qiimaha shilinku ka dhashay:

1. Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray.

2. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey.

3. Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay.

4. Farsamada is-xambaarka ah ee 100-ka doolar la raaciyo lacagta ka yar boqolka marka wax la iibsanayo ayaa aad u soo korodhay, taasi oo keentay in isticmaalka iyo baahida shilinku hoos u dhacdo.

Guud ahaan, duruufo adag oo mar qudha isku soo wada beegmay ayaa keenay xaaladda werwerka leh ee ka jirta suuqa sarrifka. Qiime dhacan shilinku waxa uu si gaar ah u dhaawacayaa shaqaalaha dawladda, dadka saboolka ah iyo reer miyiga oo iyaga dakhligoodu yahay shilinka SL.

Dadka dakhligoodu yahay doollarka ee hantida leh ama dibadda lacag looga soo diraa way ka madaxbannaan yihiin shilinka SL ee sida qaldan loo maamulo. Waxa khalkhalkan sarrifka si gaar ah uga faa’iiday shirkadaha waaweyn ee gacan saarka la leh Bangiga Dhexe.

Waxa aan ku talinayaa:

1. In si degdeg ah Bangiga Dhexe u bilaabo lacagihii doollarka ahaa ee shilinka dheeraadka ah suuqa lagaga soo iibin jiray.

2. In dhawrka malyuun ee doollar ee lacagta cusub lagu soo daabacayo loo isticmaalo in lacagaha dheeraadka ah ee suuqa wareegaya lagu soo iibsado.

3. In la laalo xeer hoosaadka fasaxaya in maamulka Bangiga Dhexe qaataan khidmad 2.5% ah markasta oo ay lacag soo daabacaan oo bangigu “faa’iido” helo. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha dhiirrigeliya lacagaha la daabaco.

4. In la joojiyo lacagaha deymaha ah ee Bangiga Dhexe siiyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo badankoodu doolar lagu beddelo marka gaadiid ama qalab lagu iibsado.

5. In la baadho sababta dhalisay iyo cidda fasaxday kala badashada lacagta shilinka ah ee wareegaysa iyo kuwa daabacan. Lacagaha shilinka ah ee daabacan waxa lagu qiyaasaa ilaa $30 malyuun, laakiinse lacagaha wareegayaa aad ayey uga badan yihiin intaa. Ma Bangiga Dhexe oo keliya ayaa arrintan ka masuul ah mise wax kale ayaa jira?”


Bangiga Dhexe ee Somaliland oo ka jawaabay eedaha ganacsadaha ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax anay waxba ka jirin, waxayna ganacsadaha ku eedeeyeen in uu caadaystay faafinta warar been abuur ah, isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sharciga la tiigsanaya Aasaasaha Xawaaladda World Remit.

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi “Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

Lixdii sanno ee ugu danbeeyay Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu ku guulaystay in uu kor u qaado qiimaha Shillinka JSL 21%, sidoo kale waxa uu joogteeyay xasilinta sicirka sarrifka kaas oo shantii sanno ee ugu danbaysay dul-fadhiyay 8,600 SH SL, iyadda oo Baanka SL ku guulaystay muddadaas dheer in uu maareeyo joogtaynta sicirka Sarrifka, Qarankana kala dabaasho dhamaan culaysyaddii aduunyadda ka dhacay ee saamaynta Togan ku lahaa dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan aduunka, Sida xanuunkii COVID-19, Dagaalkii Ukraine, iyo gubashaddii suuqyada Waaheen.

Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu qirayaa in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, kor u kacaas oo dhan 3% kaas oo sida muuqata ah mid aad u sahlan marka loo eego duruufaha dhaqaale iyo lacageed ee dalka iyo gobolka ama la bar-bar dhigo wadamada aynu jaarka nahay.

Haddaba, taariikhdu markay ahayd September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit  waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.

Baanka Somaliland waxa uu ruqsad siiyay shirkadda Worldremit Somaliland oo uu mulkiilayaasheeda ka mid yahay Ismaaciil Axmed 2018. Shirkadda Worldremit Somaliland waxa ay si iskeed ah iskaga soo celisay ruqsaddii ay haysatay March 2022. Waxa halkaa ku dhamaaday dhamaan shaqooyinkii ay ka haysay guddaha dalka sharciyan. Ismaaciil ma jiro Xafiis uga furan dalka gudihiisa, wax shaqaale ah oo u joogaana ma jiraan wakhtigan Somaliland.

Beenaha, Boorabagaandada iyo gefefka uu ku baahiyay barahiisa bulshada Ismaaciil Axmed 23/Sep/2023.

Qodobka 1aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Somaliland soo geliyay suuqa lacago Digital ah oo ka badan lacagta daabacan’’.

Baanka Somaliland waxa uu u cadaynayaa bulshadda JSL, in aanay jirin lacag Digital ah oo uu suuqa soo galiyay haba yaratee. Baanka dhexe ma abuuro lacag Digit ah wakhti xaadirkan, taa badalkeeda waxa uu korjoog teeyaa shirkaddaha bixiya addeega lacagaha elektarooniga ah ee moobiladda la iskugu diro, kuwaas oo si sharciga waafaqsan uga shaqaysta suuqyada dalka.

Qodobka 2aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Dhexe ku mashquulay lacago dibadda lagu soo daabacayo taasi oo hoos u dhigtay kalsooniddii shilinka lagu qabay’’.

Baanka Somaliland waxa uu bulsha weynta Somaliland iyo ganacsatada u cadaynayaa in aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Qodobka 3aad: Ismaaciil Axmed waxa uu qoraalkiisa ku xusay in uu jiro xeer hoosaad fasaxaya in maamulka Baanka Dhexe ka qaataan khidmad 2.5% ah marka lacag la soo daabaco, taas oo dhiiri galisa in lacag lasoo daabaco.

Baanka Somaliland waxa uu Bulshadda u bayaaminayaa in aanay jirin lacag hadda la daabacayo sida aanu kor ku xusnay, isla markaana aanay jirin dheef 2.5% ah oo Baanka dhexe ka helo lacagaha lasoo daabaco. Dhinaca kale, Suuqyada Somaliland kama jirto baahi loo soo daabaco lacago cusub oo hada suuqa kusii abuura culays hor leh.

Qodobka 4aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in lacagaha shillinka ah ee daabacan lagu qiyaaso 30 Malyuun laakiin se lacagaha wareegayaa ay aad uga badan yihiin intaa.

Baanka dhexe ee JSL waxa uu Bulshada la wadaagayaa in lacagta daabacan ee shillinka Somaliland aanay ahayn lacag u dhiganta 30 Malyuun oo Dollar isla markaana aanay u dhawayn tiraddaa uu mala’awaalka ku soo qoray, mana jirto kala bad-naansho lacagta wareegaysa suuqayadda  iyo lacagta cadaanka ahi, nooca ay doonto ha ahaatee.

Ismaaciil Axmed oo aan wax ruqsad ah ka haysan Baanka Dhexe ee JSL tan iyo March 2022 waxa uu sifo sharciga baal barsan uga shaqaystaa suuqyada Somaliland. Qaybta Baadhista dambiyada maaliyadeed ee Baanka dhexe ayaa in muda ah ku haysay daba gal dhawaan lasoo af-meeri doono natiijadiisa.

Ismaaciil Axmed sida ku cad maqaalkiisa ku taariikhaysan 23/Sep/2023, waxa uu Baanka iyo dalka kula kacay fal dambiyeedadan hoos ku xusan:-

1. Khal-khal galin suuqyada sarifka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka.

2. Been Abuur ka dhan ah Baanka Dhexe JSL.

3. Boora-bagaando iyo Been abuur ka dhan ah Madaxda Baanka.

4. Khal-khal galin guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan ganacsada dalka.

Ugu danbeyn, Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

                        Allah Mahadleh

Mukhtaar Cumar Cali

Agaasimaha

Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda

Baanka Dhexe ee JSL”

Waxa kale oo uu ganacsaduhu bangiga ku eedeeyay in lacag kasta oo lasoo daabaco uu ku leedahay qadar lacag ah oo ah 2.5% taasina ay ku dhiirigalinayso in uu markasta lacag soo daabacdo, taasi oo uu bangigu ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Hadaba, Ganacsadaha oo ka jawaabay qoraalka bangiga ayaa sheegay in uu hayo caddaymo muujinaya in Baanka Dhexe ee Somaliland uu soo daabacday lacago cusub, isaga oo bogiisa Facebook ku baahiyay waraaq qaan sheeg ah oo uu ku sheegay in uu bangigu ku dalbaday lacagta.

Waxaanu yidhi ganacsade Ismaaciil “Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”

Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.

Iyada oo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego.

Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1. Aniga oo ka soo horjeeda  sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor.  Waa markii u horreysay ee 30-kaa sano la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay.

Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo.”

FB_IMG_1695708003481.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this