Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku-xigeenkii ururka Hillaac oo is casishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku-xigeenkii ururka Hillaac Muna Bile Xirsi, ayaa maanta shaacisay in ay iska casishay xilkii ururka Hillaac islamarkaana ay iskaga baxday guud ahaan siyaasadda Somaliland.

“ Aniga oo ah Muna Bile Hirsi ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka Hilaac,  Waxa manta oo ay taariikhdu tahay 26 /09/2023 aan baneeyey gabi ahaanba jagadii gudoomiye ku xigeen kowaad, ee aan ka haya urur siyaasadeedka Hilaac iyo golihii fulinta iyo xubinamadii golaha dhexe.

Kadib markii ii muuqatay inaan xilagan ku haboonayn inaa siyaasada soomaliland aan ku sii jiro sababa jira awgood, waxaan dhamaan taageerayashi urur siyaasadeed ka HIllac iyo bulshada Somaliland ba u sheegayaa inaan gabi ahaamba ka fadhiistay Siyaasada Somaliland.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this