Cowke Posted January 5, 2010 Garoonka Muqdisho oo qeyb cusub lagu daray Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 03-Janaayo-2010 Waxaa maanta xaflad lagu furiyay qeyb cusub oo ka mid ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport ka dhacday halkaasi, xafladaasoo ay kasoo qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, maamulka garoonka iyo dadweyne Somaliyeed. R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka tamarta iyo shidaalka Xukuumadda KMG-ka ee Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex oo xarigga ka jaray Munaasabaddii maanta lagu furay Hool cusub oo loogu talo galay dadka ka dhoofaya Garoonka in ay kusii negaadaan inta aysan ka ambabixin gudaha Garoonka ayaa u mahad celiyay madaxdii iyo dadkii isu xilqaamay dhisidda hoolkaan muhiimka u ah howlaha Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku ammaanay dadkii gacanta ka geystay Howshaasi inay yihiin dad ka shaqeynaya Horumarka Ummadda Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 5, 2010 Upgrading wuu u baahnaa but who is gona stop the mortars from Alshabaab and their likes ??? ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Dhagax. Posted January 5, 2010 They should remove the plastic bags from the seats. Good move ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 5, 2010 lol...dhagax...sidee lagu ogaanaa iney cusub yihiin oo boorka lagaga celinaa? Waxaan la yaabay wasiirradii dowladda ayaa sida ilmo xannaano la keenay marba dhinac u cararayo. Meeye wasaaradahoodii markay kulligood Ayroboor iska soo xaadirinayaan? PM needs to do his work and do a reshuffle. We need dad wax qabanaya... Kii tamarta, kii dhagxaanta, kii badaha, kii lacagta, kii banooniga, kii baabuurta, kii hawada, kii/tii.....maba dhammaanayaan. Kulligood meesha ayay isku waraysteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Dhagax. Posted January 5, 2010 ^ lol @ Kii banooniga! Abwaan brother Kii Banooniga Stadiom Magadishu matagi karo noooh......waa lacunaa. The fun only happens around the Airport, the Port and the Villa Somalia.....Let them enjoy man. Quote Share this post Link to post Share on other sites