Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda oo La Kulmay Ku-xigeenka Maaliyadda Maraykanka Ee Bariga Dhexe iyo Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir muhiim ah oo ku qabsoomay aaladda foggaan araga waxa uu la yeeshay Mr. Eric Mayer oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xogahaya Waaxda Maaliyaadda Mareykanka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumarinta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee Deyn Cafinta Soomaaliya iyo taageerada Dowladda oo ay ugu horreyso maalgalinta iyo mashaariicda lagu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo faah-faahin kooban ka bixiyay kadib shrka, ayaa sheegay in uu uga mahadceliyay taageerada joogta ah ee Dowladda Mareykanka oo dhinacyo badan leh, uguna horreyso taageerada dhammaan heerarka laga soo maray barnaamijka deyn cafinta, iyo maalgalinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda.

Dowladda Mareykanka waxa ay ka mid tahay Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageero dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Dowlad wanaagga iyo dib -u – dhiska Hey’addaha muhiimka ah ee Dowladda, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dhowaan warbixin ay soo saartay IMF lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gaartay heerka ugu dambeeyo Deyn Cafinta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this