Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad Laga Soo Gudbiyay Laba Askari oo Ruush ah oo Kufsi u Geystay Gabdho Reer Ukraine ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay laba askari oo Ruush ah oo kufsaday haween Ukrain ah magaalo ku dhow Kyiv toddobaadyadii ugu horreeyay ee duullaanka Ruushku uu ku galay caasimadda dalka Ukrine oo ay ka dhacayeen dagaallo xooggan  iyo duqeymo aan kala sooc laheyn oo lal beegsaday.

Magacyada Askartaan  oo ay da’dooda kala tahay 28-jir iyo 31-jir ayaa la qariyay waxaana la sheegay in ay ahaayeen kuwa wax toogata, balse baarayaasha ayaa sheegay in bishii Maarso ee sannadkii hore ay xoog ku galeen guri dabaq ah, halkaas oo ay ku kufsadeen gabar oo dhallinyaro ah, iyagoo sidoo kale ninkeeda ku qasbay inuu daawado.

Ka dib, mid ka mid ah ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabadhooda oo afar jir ah. Xaafad dariska la ah ayaa la sheegay in ay ku kufsadeen haweeney uur leh iyo gabar aan qaan gaarin. (Laba dhacdo oo kale ayaa liiska ku jira, sida ay soo gudbiyeen baarayaasha reer Ukrine ee dacwadda geeyay maxkamadda laga dacweeyay askarta falka ku kacday.

Labada nin ee wax toogata ama snipers-ka ah ayaa la maxkamadayn doonaa iyagoo maqan.) Dacwad oogayaasha ayaa eegaya wadar ahaan 235 kiis oo kufsi ah tan iyo bilowgii dagaalka, waxaana la rumeysan yahay in ciidankaan falka geystay ay yihiin ciidanka kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee la howlgalayay Milatariga Ruushka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this