Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo Safar Ku Maraya Dowladaha Bariga iyo Kuwa Geeska Afrika Dhaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha gaashaandhigga Marayankan Lloyd Austin oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay safar shaqo ku marayay Geeska Afrika ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, halkaas oo labada dowladood ay kula saxiixdeen  heshiis lagu sii xoojinayo danaha ay wadaagaan dolwadaha Kenya iyo Maraykanka iyo arrimaha dhanka difaaca ee ka wada dhaxeeya.

Wasiirrada Gaashaandhiga ee Maraykanka Lloyd Austin iyo ka Kenya Aden Barre Du’aale ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardar gelinta la-dagaallanka kooxaha  waxyaabaha uu ku tilmamaay Argagixisada ee Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxaana uu dalbaday in dowladda Mareykanka ay ka gacansiiso dowladdiisa in laga adkaado  Al-shabaab.

Xoghayaha gaashaandhigga Marayankan Lloyd Austin ayaa safarkiisa kasoo bilaabay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo  Dr. Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Lloyd Austin ayaa sidoo kale waxaa uu booqan doonaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas uu kula kulmi doono madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka socota dalalka Afrika, waxaana uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka amni ee dowladda Mareykanka ay la leedahay dalalka Afrika, kuwaas oo ay taageerto baankood.

Safarka Wasiirka Difaaca dalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli dad dhowr ah oo ku yaalla Afrika ay la dhibaatoonayaan xasarado iyo musiibooyin dabiici ah, kuwaas oo ka dhashay isbedelka Cimilada, dalka Itoobiya oo safarkiisa kusoo gabagabeynayo ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dowladda dhexe iyo jamhadda gobolka Amxaarada ka dhisan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this