Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Qaadeysa Tallaabo Lagu Dhiiragelinayo Beeraleyda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha waaxda ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Axmed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ay wadaan siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka looga keeno dibedda, kuwaas oo hoos u dhigay hamiga beeralayda Soomaaliyeed.

Agaasimaha oo u warramayay Warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in waayadii hore uu dhaqaalaha Soomaaliya intiisa badan ku tiirsanaa waxyaabaha dalka laga helo gaar ahaan beeraha, kallumeysiga, dalxiiska IWM, haatanna ay doonayaan in ay soo celiyaan dhiirri gelinta wax soo saarka gudaha.

Waxaana uu tilmamay in ay doonayaan in hoos loo dhigo dalagyada lamidka ah kuwa dalka kaoo go’a ee dibadda laga soo dhoofiyo, kaas oo niyadjab ku keenay beeralayda “Waxan wadnaa siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka loo keeno ganacsi ahaan ee dalkeena laga helo” Agaasime Axmed Sheekh.

Agaasimaha ayaa sababta keentay in waxyaabo dalka laga helo mararka qaarkood loo soo dhoofiyo dalka ku macneeyay soo noqnoqoshada abaaraha, fatahaadaha, dagaallada, gaar ahaan bara kicinta ay Al-shabaab ku hayaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo kaalin muhiim ah ku jira.

Tan iyo markii ay bilaabatay in gudaha dalka ay abaaruhu kusoo laablaabtaan, waxaa hoos u dhac ku yimid beerashada dhulka tiiyoo ay jirto in beeraleey badan oo Soomaaliyeed ay kasoo barakaceen halkii ay wax ku tacban jireen, kuwaas oo hadda deegaansanaya duleedyada magaalooyinka oo lagu caawiyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this