Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Kenya oo kala saxeexday heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in…

Recommended Posts

Deeq A.   
download.jpeg?fit=599%2C450&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Kenya ayaa Isniintii waxay magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah.

Heshiiskan oo looga dan leeyahay in lagu xoojiyo la-dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku “uu uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.”

Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee Kenya ee ku aaddan ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo inay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti.

Austin ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaadhaysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Austin oo ka hadlayey arrimaha gobolka ayaa soo hadal qaaday ururka al-Shabab, isaga oo sheegay in dawladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashigooda kala dhexeeya Kenya, ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabab.

Austin ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti, wuxuu aad u ammaanay ciidamada Soomaaliya iyo horumarada ay ka samaynayaan la dagaalanka kooxda al-Shabab, hase ahaatee wuxuu ka digay in weli kooxdu ay leedahay awood ay dibedda ugu dhoofiso falalkooda argagixisanimada, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaaha aan maamulku ka jirin.

The post Mareykanka iyo Kenya oo kala saxeexday heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this