Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka dhacay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarynta gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ku qaaday galinkii dambe ee shalay weerar madaafiic ku billowday, ayada oo markaas kadib ay xubno ka tirsan kooxda weerar toos ah ku qaadeen.

Xubnaha Shabaabka ah ayaa weerarka ku eekeeyay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanada Wargaduud iyo Xanaano oo ah deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Baydhabo.

Dagaalka tooska ah ee halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Shabaab ayaa la sheegay inuu qaatay muddo ku dhaw laba saac oo xiriir ah.

Si rasmi ah weli looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaate waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in weerarka kooxda ay iska difaaceen.

Waxay sheegeen in dagaal-yahaanadii kooxda ee weerarka soo qaaday lagu jabiyay dagaalka, laguna gaarsiiyay khasaare xooggan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda weerarkaasi iyo dagaalkii xigay ka sheegatay guullo, iyada oo sheegtay inay ku laysay askar badan. Hase yeeshe si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxda.

Isku soo wada duubo, dagaalkan ayaa imanaya xilli Koonfur Galbeed ay kamid tahay meelaha weli ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana la qorsheynayo in wejiga labaad ee gulufka socda kooxda looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

The post Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga Baydhabo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this