Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Maamul Wanaaga oo la Shiray Laamaha Dawladda ee Bixiya Liisamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Komishanka Maamul Wanaaga oo la Shiray
Laamaha Dawladda ee Bixiya Liisamada
IMG-20230925-WA0007.jpg

Hargeysa(Qaran)-Komishanka maamul wanaaggu isagoo ka duulaya mabaadi’da maamul wanaagga ayaa waxa uu kulan isugu keenay dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee bixiya shatiyada/ruqsadaha kala duwan (licenses) ee la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Waxaa inta badan muran iyo isqabqabsi ka yimaadaa shatiyada qaarkood oo ay wasaaradaha iyo hay’adahu isku qabsadaan cidda leh masuuliyadda iyo sharciyadda shati/ruqsadda la bixinayo iyadoo hay’ad iyo wasaarad kastaa ku andacoonayso inay iyadu waajibaad ahaan iyo sharci ahaanba leedahay.

Arrintan ayaa keenta inta badan in ay muwaaadiniinta iyo cid kasto oo shuruudaha shatigaa buuxisa xaqna u leh inay helaan shatiyada ay uga baahdaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee adeegyadaa bixiya ay culays dhaqaale iyo jaahwareer kala kulmaan sababtoo ah; inta badan wasaaradaha iyo hay’adaha bixiya adeegga, malaha xafiisyada xogsiinta iyo caawinta loo adeegayaasha (help desk and information offices) oo leh shaqaale u gaar ah.

Haddaba isaga oo komishanku ka duulaya arrimaha aynu kor ku xusnay, wuxuu kulan isugu keenay dhamaan wasaardaha iyo hay’adaha bixiya adeegga shatiyada kala duwan, si looga doodo loona lafa guro, sidii loo dersi lahaa caqabadaha kajira bixinta shatiyada xalna looga gaadhi lahaa.

2. Qodabada iyo Maxsuulka ka soo baxay Shirka
Dood iyo falaanqayn dheer ka dib waxay Wasaaradihii iyo Hay’adihii qaybta ka ahaa shirka isla qaateen:
• In la abuuro hal goob (one stop shop) oo laysugu keeno dhammaan hay’adaha dawliga ah ee bixiya addeegga shatiyada si loogu fududeeyo muwaadinka iyo cid kasta oo buuxisa shuruudaha looga baahanyahay adeegaas.
• In la abuuro madal kulmisa (inter-sectoral forum) dhamaan wasaaradaha iyo ha’adaha bixiya adeeggan laguna gorfeeyo sidii looga saari lahaa wixii isfaham waaya ee kayimaadda sida adeeggan loo bixinayo iyo wixii talaabooyin ah ee kor loogu qaadayo harumarinta adeegyadaas una noqon lahaayeen, qaar daah furan, layslana ogolyahay.
• In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo dhaqan gelinta sharciga si loo helo hanaan adeeg bixineed iyo maamul wanaag oo hufan.
• In la abuuro xafiisyada xogsiinta dadwaynaha iyo cabashooyinka
Wasaaradaha iyo Hay’adaha Shirka Qaybta ka ahaa.

Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, wasaardda Arrimaha Debedda, Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, wasaaradda kaalgaashiga iyo horumarinta warshadaha, Komishanka tamarta, hay’adda caymiska Qaranka, xafiiska xeer ilaalinta, wasaaradda gaadiidka iyo horymarinta jidadka, wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda, laanta socdaalka, wasaaradda horumarinta beeraha, xafiiska garyaqaanka guud, rugta ganacsiga, wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adda caymiska Qaranka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this