Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Federalka iyo Galmudug ah oo Booqday Furimaha Dagaalka Koonfurta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirrada arrimaha gudaha, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka Tirsan dowladda FS iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay ciidamada ka  dagaalamaya duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Masuuliyiintaan heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada la qaatay kulan lagu gorfeeyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin.

Mas’uuliyiinta ayaa  ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa uga mahadceliyay sida ay ugu dadaalayaan in dagaalka lagu soo gabagabeeyo waqtigii loogu talo galay, xilli deegaanka Shabeellow aagiisa ay ka dhaceen duqeymo lala beegsaday Al-shabaab.

Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo ballaaran iyadoo laga xoreeyey degaano badan oo ka tirsan koonfurta Mudug, kuwaas oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana Mudug ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan labada heer dowlo.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this