Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Jawaari oo shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba iyo qorshe culus oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   
jawaari.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah siyaasiyiinta doorashada Koonfur Galbeed u xusul duubeysa ayaa shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba.

Jawaari ayaa sheegay in 5-ta bisha soo socoto ay aadi doonaan magalaada Baydhaba, si bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay u qabtaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Cabsicasiis Laftagareen oo qaarkood shaaciyey inay doonayaan kursiga ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxayna kala hadleen arrimaha doorashada maamulkaas oo khilaaf adag uu ka jiro.

“Waxaan ku soo tashanay in aan is aragno madaxweynaha gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka, guddoomiyaha ayaan ka bilownay oo maanta waxaan kala hadalnay heshiiskii Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen sidii loo dhaqan geli lahaa,” ayuu yiri Jawaari oo faahfaahin ka bixiyey kulankii maanta.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

”5-ta bisha soo socoto waxaan aadi doonaa Baydhabo si bisha Janaayo loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed, maanta guddoomiyaha meel fiican ayaan wax isla soo dhignay, ilaa bisha soo socota ee Diseenbar waxaa bilaaba doonta doorashada baarlamaanka si Janaayo loo doorto Madaxweynaha” ayuu yiri Jawaari.

Khilaaf adag ayaa ka taagan doorashada madaxweynaha K/Galbeed, Laftagareen oo hadda maamulkaas hoggaamiya ayaa rajo ka qaba inuu dhaqan galo qorshe hal sano oo mudo kordhin ah loogu sameeyey, balse mucaaradka ayaa aad u diidan muddo kororsigii dhacay.

Dowladda federaalka ayaan ilaa hadda mowqifkeeda cadeyn, balse heshiis lagu kala Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu go’aamiyey in doorashada K/Galbeed ay hoggaamiso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda dhexe, iyadoo hoos loo dhigay awooda uu habsami u socodka doorashada ku yeela karo Laftagareen.

Laftagareen ayaa horay mucaaradka ugu diidanaa inay tagaan Baydhaba, balse hadda lama oga sida ay siyaasiyiintaan ugu miisaanka culus K/Galbeed ay ku tegi karaan magaalada Baydhaba oo ay sheegeen in 5-ta bisha soo socota ay tegi doonaan.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Jawaari oo shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this