Sign in to follow this  
Deeq A.

Baanka Dhexe oo ka Gubtay Qiime Dhaca Shilinka Somaliland ee uu ka Hadlay Aqoon-yahan Ismaaciil Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baanka Dhexe oo ka Gubtay Qiime Dhaca Shilinka Somaliland ee uu ka Hadlay Aqoon-yahan Ismaaciil Axmed

Hargeysa(Qaran news)-Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiigsanayaan mulkiilaha shirkadda Worldremit, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu aflagaadeeyay madaxda baanka isla markaana uu warar borobagaando ah ka baahiyay suuqyada dhaqaalaha Somaliland.
War saxaafadeed ka soo baxay baanka oo warbaahinta dawladdu ay faafisay ayaa lagu sheegay in bangiga dhexe uu sannadihii la soo dhaafay uu kor u qaaday qiimaha shilinka Somaliland Boqolkiiba 23. Waxase ay qireen in uu kor u kacay sarifka lacagaha qalaad Boqolkiiba saddex, taasi oo ay ku tilmaameen mid aad u sahlan marka loo eego dalalka jaarka.

Baanku wuxuu ku eedeeyay in Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Worldremit uu caadaystay aflagaadeynta hay’adaha dhaqaalaha.

Baanku wuxuu intaas ku daray in Ismaaciil Axmed uu sannadkii 2018 ay ruqsad siiyeen shirkadda Worldremit, hase ahaatee uu ruqsadii dib iskaga soo celiyay sannadkii 2022kii, sidaas darteed aanu xafiis iyo shaqaale midna ku lahayn Somaliland.

Ismaaciil Axmed wuxuu habeen hore maqaal dheer oo aqooni ka muuqatay ka qoray muruga sarif bararka iyo kaalinta hoosaysa ee baanku ku xakamayn lahaa qiime dhaca shilinka Somaliland.

HALKAN KA AKHRISO MAQAALKA UU BAANKU KA GUBTAY EE UU AQOONYAHANKU UU QORAY

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this