Sign in to follow this  
Deeq A.

WADDANI oo Baaq ka soo Saaray Dirirta Ceel Afweyn iyo Cali-saahid

Recommended Posts

Deeq A.   

WADDANI oo Baaq ka soo Saaray Dirirta Ceel Afweyn iyo Cali-saahid
WADDANi-1.gif
Hargeysa(Qaran news)-Afhayeenka xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ugu baaqay colaada joojiyaan dadka walaalaha ah ee shaqaaqooyinku ku dhexmareen degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo deegaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer.

“Waxaan ugu baaqayna dadka deegaannada Cali Saahid iyo Ceel-afweyn in Illaahay ka cabsadaan oo joojiyaan dhiiggooda daadanaya,” ayuu yidhi
Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi.

Waxa kaloo afhayeenkaasi u soo jeeday beelahaas walaalaha ah in ay walaalnimo iyo nabadgelyo ku dhammaystaan oo ka walaaloobaan colaada ka dhex dhacday iyagoo ah dad wada dhashay oo inan iyo abtigii ah oo Alle bogcad ku wada uumay.

Sidoo kale waxa afhayeenka WADDANI ku dhaliilay xukuumadda in aanay ciidan kala dhexgala geynin Ceel afweyn iyo Cali-saahidba.

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay inay ciidan u dirtay deegaannadaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this