Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Qaranka oo ka Hadlay Tallaabooyin ay ka Fulinayaan Ceel Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Qaranka oo ka Hadlay Tallaabooyin ay ka Fulinayaan Ceel Afweyn

IMG-20230925-WA0008.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Kadib dagaalo ay dad ku dhinteen oo beelo walaalo ah ku dhexmaray degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, Millateriga Somaliland ayaa sheegay in ay xoog u isticmaalayaan ciddii hub lagu arko.

Taliyaha Aaga Bari Baashe Fanax, oo warbaahinta la hadlay isaga oo ay hareero joogaan masuuliyiinta degmadu, ayaa amar ku bixiyay in talaabo laga qaado ciddii lagu qabto hub.

Waxaanu yidhi.”Ciidanka Qaranku wuxuu amar ku qabaa in qofkii qori sita ee ku sugan degaanada Ceel-afweyn ay ka qaadaan talaabo adag, haddii uu ku dagaalamo, qorigana dhigi waayo waxaad amar ku qabtaan inaad madaxa ka toogataan”

Masuuliyiinta degmada iyo saraakiil kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in cidkasta oo lagu qabto noockasta oo hub ahi ay wajihi doonto talaabo adag, isla markaana waxay bulshada ugu baaqeen in ay nabada ka shaqeeyaan.

Kadib maalmo ay xiisadi ka taagnayd magaalada ayaa saaka dagan, iyado ay ciidamada kala duwani amaanka la wareegeen, sidookale masuuliyiinta degmada ayaa shacabka ugu baaqay in ay dib u furaan ganacsiyadooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this