Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismail Ahmed oo ka jawaabay eedaynta Banka soona bandhigay warqad cadayn ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ismaaciil Axmed oo soo Bandhigay Juwanka Lacagtii Baanka dhexe u Shubay Shirkad lacag u soo Daabacaysa
IMG-20230923-WA0022.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Aqoonyahan yahan Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda Worldremit ayaa galabta ka jawaabay warsaxaafadeedkii baanka dhexe ka bixiyay qoraal uu kaga hadlay qiime dhaca ku yimid lacagta Somaliland.

Ismaaciil Axmed waxa uu ka falceliyay warkii ka soo baxay Baanka dhexe, wuxuuna soo bandhigay qaan sheeg la xidhiidha lacagtii baanku u shubay shirkad lacsg cusub u soo daabacaysa. Wuxuuna tilmaamay inay dambi tahay in baanku been u sheego ummadiisa. Qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sidan:-

“Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”
IMG-20230925-WA00091.jpg
Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.

Iyada oo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego.

Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1.

Aniga oo ka soo horjeeda sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor. Waa markii u horreysay ee 30-kaa sanno la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay.

Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this