Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Khudbad u Jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Maraykanka+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka  Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka iyo sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada, isaga oo kula dardaarmay inay isgarab taagnaad marwalba.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay dagaalka  lagula jiro Al-shabaab iyo sidii dalka looga saari lahaa ,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorraynayo, kaas oo laga gaaray guulo la taaban karo muddo sanad ah uu socdo.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray, waxaana uu soo hadal gaaday warbixintii dhowaan kasoo baxday hey’adda lacagta Adduunka IMF ee lagu sheegay guulaha laga gaaray Deyn cafinta.

Ugu Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Al-shabaab, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo Al-shabaab oo meelo adag maraya xilligaan.

May be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of crowdMay be an image of 3 people and crowdMay be an image of 1 person, dais and crowdMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people and crowdMay be an image of 4 people and suitMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this