Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Dhuusamareeb Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this