Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo digniin culus kasoo saartay halis kusoo socota Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
SoDMA.jpg?fit=2048%2C2048&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan fatahaado iyo daadad laga yaabo inay ka dhashaan roob ka badan kuwii la filayey ee xilliga dayrta.

Digniintan ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan dabeylaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taas oo keeyntay isbadalka cimilada ee El-Nino.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ee Hay’adda SoDMA, Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id u qabta warbaahinta ayaa sheegay inay isa soo tarayaan warbixinada ku aadan dabeylahaasi, taas oo sii xoojineysa cabsida hadda jirta.

“Waxaa isa soo taraaya xaaladdan la yiraahdo El-Nino oo micnaheedu yahay qoyaan tiro badan oo xilli roobaadka dayrta ah sii murjinaaya, sida ay saadaashu sheegeyso xittaa laga filaayo meelaha wabiyada fatahaad gaarta iyo dalka oo dhan” ayuu yiri Khadar Sheekh.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in digiintaan ay qaataan dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay ka fakiraan xaaladda haatan la saadaalinayo.

“Warbixinada aan heleyno waxay noo sheegayaan in hubaashu ay tahay 95% in suurtagal ay tahay inay xaaladdaasi dhacdo, sidaas daraadeed digniintaan haloo qaato mid muhiim ah, dadkana hala gaarsiiro” ayuu mar kale shirka jaraa’id ku yiri Khadar Sheekh Maxamed.

Waxa uu intaasi ku daray in roobabka ay bilaaban karaan bisha soo socota ee October, isla-markaana ay di’i doonaan saacado ka badan kuwii hore ama maalmo xiriir ah.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka dheeraadaan xeebaha, meelaha ay ku yaalla wabiyada ama togaga ay biyaha isugu tegaan, si aysan waxyeelo halis ah uga soo gaarin.

“Sidaas darteed bulshada waxaan rabnaa inay ka feejignaato oo ay goor hore ka sahan dayato tusaale ahaan meelaha wabiyada agagaarkeeda bulshooyinka dagan, waxaan rajeyneynaa in wadiiqooyinkii ay mari lahaayeen oo badbaadada ahaa aynu u tilmaamno, waxaana rabnaa inay had iyo jeer la socdaan Idaacadaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Horay digniintan mid lamid ah waxaa usoo ssaartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oosheegtay in ay halis ka dhalan karto duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin.

The post Daawo: DF oo digniin culus kasoo saartay halis kusoo socota Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this