Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   
a-madoobe.jpg?fit=960%2C654&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoobe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Wareegtadan oo ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale madaxweynuhu ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada.

Sababta ugu weyn ee uu isbeddalkan u sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo heli lahaa xukuumad tayo leh oo u adeegta shacabka.

Tallaabada uu maanta qaaday Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale saameysay illaa 9 wasaaradood oo ay gaartay isku shaandheynta, kuwaas oo kala ah:-

1-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta waxaa loo magacaabay Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil.

2-Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda waxaa loo magacaabay Saleebaan Maxamed Maxamuud

3-Wasiirka isgaarsiinta, boostada iyo teknololjiyadda waxaa loo magacaabay Mascuud Cabdullaahi Axmed.

4-Wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Jubbaland waxaa loo magacaabay Ibraahim Xasan Cabdi.

5-Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

6-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahawaxaa loo magacaabay Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir.

7-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

8-Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Cumar.

9-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka waxaa loo magacaabay Cabdiweli Xuseen Jaamac

Sidoo kale isku shaandheyntan ayaa saameysay wasiir ku xigeenada illaa 6 wasaaradood iyo hal wasiir dowle oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

 

1.jpg?resize=696%2C901&ssl=1 2.jpg?resize=696%2C901&ssl=1

 

The post Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this