Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4141.jpeg?fit=1284%2C716&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Madoobe ay kala hadleen heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa ee ay Baydhabo kula gaareen madaxweynaha hadda talada haya ee Koonfur Galbeed iyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa, maadaama la joogo xilligii doorashada.

‘Waxaan maanta guddoomiyaha u sheegnay heshiiskii ay isaga iyo madaxweynaha ay garwadeenka ka ahaayeen Baydhabo ee 4 Febraayo la gaaray farsamadii iyo tabtii lagu fulin lahaa, meel fiicana waan isla soo dhignay” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.

Rugcadaa siyaasadeed Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale xusay inay iyagu diyaar garoobeen, ayna Baydhaba aadayaan bisha soo socota, si doorasho loo qabto.

“Waxaan rajeynaa in bisha October 5-teeda aan aadno Baydhaba, si loo fuliyo heshiiskii aanu ka gaarnay doorashada” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxa aan rabno waa nabad-gelyo, doorasho xor ah, xalaal ah oo shacbiga gacantooda wax ku dooranayaan inay dhacdo”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isugu deegaankan kasoo jeeda ayaa horay u dhigay gogosha dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Baydhaba, balse arrinta ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, maadaama la gaaray waqtigii lagu heshiiyay in la bilaabo doorashooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa cabuur siyaasadeed iyo caga jiid ku aadan hore u socodka doorashada guud ee hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

The post Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this