Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo Dhuusamareeb ku qaabilay masuuliyiin Turki ah hal arrina kala hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
377762627_735056418665500_64805592530798

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli.

Safiirka oo Muqdisho ka soo baxay, isla markaana soo gaaray Dhuusamareeb waxaa la socday oo kulanka Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada Soomaaliya ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka amniga oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka.

Safiirka ayaa oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa shalay dalka Jabuuti kula kulmay wasiirka gaashaandhigga dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa shaqadiisa oo dhan isugu geeyey hoggaaminta dagaalka, muddo ku dhow laba bilood ayuu degan yahay Dhuusamareeb, dagaalka ugu culusna wuxuu ka socdaa Galmudug.

Qorshaha Madaxweynaha ayaa ah in Shabaab-ka jooga Galmudug lasoo afjaro, markaas kadib ayuu u guurayaa deegaanada kale ee kooxdu ay ku harsan tahay, si dalka oo dhan looga ciribtiro Khawaarijta Al-Shabaab.

376792534_735056285332180_52307506693366 377762627_735056418665500_64805592530798 safiirka-turkiga.jpg?resize=696%2C464&ss Xasan-Sheekh-3.jpg?resize=696%2C477&ssl=

 

The post Sawirro: Xasan oo Dhuusamareeb ku qaabilay masuuliyiin Turki ah hal arrina kala hadlay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this