General Duke Posted October 26, 2010 Wafdi ka Kooban Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland, Qunsul sharafeedka Soomaliya ee wadanka Turkiga, Gudoomiyaha jaamacada Stampul, Gudoomiyaha Jaamacada PSU Proff, Maxamed jaamac Salaad, Gudoonka Waxbarashada ee Degmada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin kale ayaa Waxay Kormeer ku sameeyeen Xarumaha Waxbarashada ee Degmada gaalkacyo, Waxayna la Kulmeen Madexda Waxbarashada ee Dugsiyada H/dhaxe, kuwa sare iyo Qayb ka mid ah Jaamacadaha Gobalka. Wafdugu wuxuu ugu horayn booqday Dugsiga Sare ee Cumar samatar Waxayna warbixino ka dhagaysteen Maamulaha Dugsiga Proff, Cawsay, sidoo kalan Waxay Mareen in badan oo ka mid ah fasalada Duruustu ay ka socoto. Waxaa ku xigay Dugsiga H/dhexe ee Salaama, Waxayna Sidoo kale Warxino isweydaarsadeen Maamulka Dugsigaasi , Waxayna Wafdiga ka Codsadeen Dhinaca Tasiilaadka Waxbarashada in laga caawiyo. Wafdigu waxay sidoo kale Booqdeen jaamacadaha Puntland State University iyo East africa university oo labadooduba ku yaala Magaalada gaalkacyo, Waxayna Warbixino ka dhagaysteen Maamulka Jaamacadan oo uga Warbixyay Qaabka ay Jaamacadahan u shaqeeyaan iyo Sida Duruusta ka baxda ay tahay. Wafdigana ayaa ugu dambayntii aad u soo dhaweeyay Heerka Waxbarasho ee Gobalkani Mudug uu Marayo Waxayna tilmaameen Waxbarashada Deegaankani in ay tahay mid Wanaagsan oo laga heli karo Dad Khibrad farabadan leh. Kormeerka Wafdigani ayaa imaanaya Xilli Qayb ka mid ah wafdigani ay Hawlo Caafimaad ka Wadaan Cisbitaalka guud ee Degmada gaalkacyo oo ay ku sugan yihiin Dad farabadan oo caafimaad Doon ah. Cumar Afguduud Allidamaale.com Gaalkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites