Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo Qiray Guulaha Ciidanka Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo safar aan la shaacin ku jooga dalka Jabuuti ayaa halkaas kula kulmay wasiirka difaaca dowladda Maraykanka Lloyd Austin, iyaga oo ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka ayaa imanaya iyadoo ciidanka dowladda ay dagaal xooggan kula jiraan Al-shabaab, kana dalbanaya caalamka taageero ciidan iyo in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka.

Ciidanka dowladda ayaa  Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaano badan oo ka mid ah maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, marka la eego in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku ay gaareen magaalooyin qadiimi ah oo dhaca labada maamul.

Lloyd Austin ayaa dhankiisa qiray guulaha ciidanka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ay ka gaareen dagaalka, waxaana uu tilmaamay  in dowladda Maraykanka ,Jabuuti iyo Midowga Afrika ay taageerayaan dowladda Soomaaliya si loo guuleysto.

“Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxay horumar balaaran ka sameeyeen dagaalka argagixisada Al-shabaab, inkastoo aragagixisada ay dad ka soo askareynayaan deegaanada aysan cidina xukuminin.” Ayuu yiri wasiirka difaaca Lloyd Austin.

Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiekh kadib waxay dowladda Soomaaliya bilowda guluf dalka looga saarayo Al-shabaab, waxayna la timid qorshe saddex dhinacle ah oo ay Al-shabaab kula dagaaleyso, cunaqabateyn maaliyadeed, cudud dagaal, iyo ka hortaga fikirka xagjirnimada.

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo sii hadlaya ayaa yiri  “Waxaan aaminsanahay in ay sameeyeen ciidaanka dowladda horumar baahsan sanadkii la soo dhaafay oo ka badan kii shanti sano ee ka horeysay ay sameeyeen.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey mar uu ka hadlayay warbaahinta Djibuti.

Lloyd Austin ayaa intaas ku daray sida madaxweynaha Soomaaliya ay kaga go’an tahay dagaalka Al-shabaab waxa uuna yiri “Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu rabaa in uu sameeyo wax walba oo awoodiisa ah si uu u joogteeyo guusha la gaaray.”

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu saldhig ka dhigtay  Dhuusamreeb si uu u dhameystiro hawlgalka “Libaaxa Madow” wajigiisa koowaad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this